Siciid Deni oo u ololeynaya in tirada xisbiyada Puntland laga dhigo shan xisbi

Published: April 27, 2023

Dhamaadkii bishii Nofeembar 2022 ayay ahay markii 7 urur oo ka mid ahaa 9-ka urur siyaasadeed ee Puntland ay isku raaceen 13 qodob oo u baahan in la fuliyo ka hor diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Qodobadda 13 ah waxay isugu jireen kuwo u baahan in dastuurka Puntland wax laga beddelo sida in la furo tirada xisbiyada siyaasaeed, iyo kuwo u baahan in xeerarka wax laga beddelo, sida in doorashada laga dhigo mid furan oo qofka toos loo dooranaayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa diidey in qodobada xeerarka ama dastuurka taabanaya la furo, waxaana uu hoosta ka xariiqey haddii arrintaas la aado in aysan doorasho dhacayn, taas oo keentay in ururadii ku kala jabaan oo kala qaybsamaan.

Doorashada Puntland waxaa ilaa hadda ku soo harey 6 urur oo keliya kuwaas oo shan ka mid ah ololaha ay wadaan uu yahay mid muuqda, ururada Horseed iyo Dhalinyarada ayaa gebi ahaanba isaga baxay, sidoo kale waxaa burbur iyo kala qaybsanaan ay ragaadisey ururkii shaqaalaha, halka ururka Runcad aanu wax dhaqdhaqaaq ah lahayn laakiin uu ku jiro doorashada.

Shaqada taala ka hor maalinta doorashada loo ballan-san yahay ee 25 May, iyo wakhtiga harsan ayaa muuqata in aysan is lahay, waxaana hadda si taag daran ku socda qaadaashada kaararka codbixinta oo ka bilaamatey gobolada qaarkood, shaqada ayaa ah mid aad ugu badan guddiga TPEC, maadaama shaqaaluhu ku yar yahay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay ee khamiistu soo geleysey (26.04.2023) kulan la qaatey ururada siyaasadda ee Puntland, waxaana uu kala hadley arrin maalmihii u danbeysey soo baxaysey ee ahayd in dastuurka la beddelo qodobka 46aad, ee ka hadlaya tirada xisbiyada lana gaarsiiyo ilaa shan xisbi, arrintan ayaa wararku sheegayaan in ururada siyaasadda ee kulankaas ka qayb-galay ay soo dhaweeyeen, marka laga reebo urur siyaasadeedka MIDEEYE, oo ku doodey in wakhtigu ciriir yahay, hadda ka horna uu Madaxweynuhu diidey, loona baahan yahay in doorashada lagu galo wakhtigeedi iyo sidii lagu heshiiyey.

Doorashada la doonaayo in Xisbiyada lagu soo saaro ayaa ka horeysa kalfadhiga baarlamaanka ee bartamaha bisha Juun 2023, in wax laga beddelo dastuurka ayaa u baahan in ay tagto kalfadhiga baarlamaanka, doodu socoto muddo aan ka yarayn bil, kadibna lagu ansixiyo 2/3 ama saddex qaybood laba qaybood oo gaareysa 44 Xildhibaan.

Haddaba maxay tahay sababta Siciid Deni hadda ugu ololeynaayo wixii uu diidey 6 bilood ka hor, waxaa lagu soo koobi karaa aragtiyo dhawr ah:

  • In uu meesha ka saaro dooda ah saddex xisbi ee soo baxaya waxaa hor boodaya siyaasiyiin qoyskiisa wada ah.
  • In uu uga hortago ururka Mideeye oo markii hore uu ku xisaabtamey in ay doorashada isaga harayaan, kuwaas oo uu u arko in ay yihiin urur taageero leh oo mucaarad ah, si uu u helo xulafo iyo gaashaanbuur.
  • Iyo in doonitaankiisa ugu weyn ee muddo kororsiga ah uu ka dhex raadiyo

Iyada oo muddo xileedkii Madaxweyne Siciid Deni gabaabsi yahay, xaalado colaadeedna ay dalka ka taagan yihiin, ayaa laga war sugayaa Golaha wakiilada ee Puntlan sida ay arrimahan u maareeyaan.

Horseed Media