Soomaaliya: Kiisaskii Ugu Dambeeyey Ee COVID-19

Published: March 9, 2021

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 139 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 8, 577 kiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Muqdisho 92 qof, Somaliland 33 qof, Jubaland 11 qof iyo Hirshabeelle 3 qof.

Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 29 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 4,033.

Bukaannada cusub 85 waa rag. 54-na waa dumar, Waxaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19, 12 qof, toban kamid ah joogaan Muqdisho, halka labada kale kala joogaan Soomaaliland iyo Jubbaland.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *