SSC-Khaatumo oo walaac ka muujisey shir laga reebay casumaadiisa oo Muqdisho ka dhacaya

Published: April 17, 2024
Shares36

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xassan Sheekh Maxaamuud ayaa ku casumey madaxda dowlad goboleedyada dalka in ay isugu yimaadaan shir wadatashi, kaas oo Muqdisho ka furmaya maalinta sabtida ee 20 Abril 2024.

Shirka ayaa lagu casumey Dowladda Puntland oo horay u sheegtey in ay aqoonsiga kala noqotey Dowladda Federaalka ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii dastuurkii heshiiska lagu ahaa uu meesha ka saarey, sidoo kale waxaa la casumay Jubaland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa la sheegay in looga hadlaayo arrimo masiiri ah sida, dhamystirka dastuurka oo afar cutub oo kamid ah Baarlamaanku ansixiyey.

Maamulka SSC-Khaatumo oo horey aqoonsi uga helay dowladda federaalka ah ayaa walaac ka muujiyey sababta shirkan masiiriga ah looga reebay, qaar kamid ah Garaadada soo dhisey maamulka SSC ayaa is weydiiyey in dowladda federaalku mowqifkeedi bedashey oo hadda ay la sugeyso Somaliland.

Maamaulka SSC-Khaatumo ayaa ka taliya degmooyinka gobolka Sool marka laga reebo Caynaba iyo Degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer iyo deegaanada hoos yimaada, marka la tixraaco Juqraafiga ku salaysan 1990.

HORSEED MEDIA