Syria: Weerar drone oo lagu qaaday saldhiga Mareykanka oo ay ku dhinteen askarta kooxda SDF

Published: February 5, 2024
Shares12

Shan dagaalyahan oo ka tirsan ciidamada Kurdiyiinta ee Dimuqraadiga Suuriya ee uu Mareykanka taageero ayaa lagu dilay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig Mareykanka uu ku leeyahay bariga Suuriya.

Shan xubnood oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee SDF ayaa lagu dilay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday Xarunta Batroolka laga soo saaro ee Al-Cumar, halkaas oo uu Mareykanka Saldhig ku leeyahay.

Weerarkan waxaa sheegtay, Isbaheysiga Wax Iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq, oo ah isbahaysi kooxaha ay taageerto Iran oo ka soo horjeeda taageerada Mareykanka siinayo xasuuqa Israa’iil ka wado Gaza.

Weerarkan ayaa lagu beegay maalin kadib markii Mareykanka uu duqeeyey 85 goobood oo xarumo u ahaa maleeshiyaadkaasi ku kala sugan Ciraaq iyo Suuriya.

Duqeyntaasi ayuu Mareykanka uga jawaabayey weerar kale oo 28kii Janaayo lagu qaaday saldhigooda ku yaal dalka Urdun oo lagu dilay sadex askari oo Mareykan ah.

Mareykanka oo u muuqda inuu lugaha lasii galayo dagaal kale oo daba dheeraada ee Barriga Dhexe ayaa dardar geliyey duqeynta uu la beegsanayo xarumaha kooxaha kasoo horjeeda Xasuuqa Gaza ee ku sugan Yemen, Ciraaq iyo Suuriya.

Horseed Media