Xasan Sheekh oo bilaabey baaritaan ku aadan weerarkii lagu qaadey guutada 14 oktoober

Published: July 29, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ee Sabtida kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada iyo kuwa sirdoonka. Madaxweynaha ayaa kala hadley in ay siiyaan warbixin ku aadan sida uu u dhacay weerarkii lagu qaadey maalintii isniinta Kuliyadda Jaalle Siyaad kaas oo lagu diley ciidamo ka badan 20 askeri

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay in madaxweynaha warbixin hordhac ah laga siiyay qaabka uu weerarkaasi u dhacay, khasaaraha ka dhashay iyo xogta qofka fuliyey weerarka oo ay ku jirto sida uu bartilmaameedkiisa ku gaaray.

Weerarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa la aaminsan yahay in qofka ismiidaamiyey loo fududeeyey oo uu helay wada shaqeyn. Ciidamada ku xeryasnaa kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa la dhisay xiligii Madaxweyne Farmaajo waxaana loogu magacdarey guutada 14 Oktoobar, kuwaas oo ka dagaalami jirey gobolka Shabeelada Hoose waxayna u badnaayeen dad ka soo jeeda deegaankaas, sababta u weyn ee la isweydiinaayo ayaa ah ujeedada ka danbeysey in ciidankan xeradaas la keeno oo laga soo saaro Marka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Federaalka ayaa dalabadey in baaritaan dheeraad a la sameeyo caddaaladdana la horkeeno cidii ka danbeysey weerarkaas oo al-Shabaab kala shaeysey.

Horseed Media