XORIYADA SILVIA IYO XIFAALTANKA BARAHA BULSHADA { MAQAAL }

Published: May 13, 2020

Silvia Constanca Romano, oo aheyd gabar samafale oo u dhalatay dalka Talyaaniga oo bishii November ee sanadkii 2018 laga soo afduubtay dalka Kenya, Silvia ayaa waxaa soo qafaashay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka hawl gasha waxay ka soo afduubeen deegaanka loo yaqaan Chakama County ee dalka Kenya, waxayna gudaha Soomaaliya ku haysteen muddo 18 bilood ah. Waqtigaa aad u dheer ka dib ayaa haweeneydan lagu soo furtay howl-gal 9 May ka dhacay meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka Aise ayagoo kaashanaya sirdoonka Soomaali ah iyo kuwo Turki ah, waxaan la keenay Muqdisho kadibna diyaarad khaas lagu soo duuliyey dalkeedii Talyaaniga.

Haddaba Silvia ,25 sanno jirtada samafashada ahi ,marka ay ku soo laabatay dalkeedii waxa ay sheegtay inay qaadatay diinta Islaamka. Waraysi ay siisay wakaalada wararka ee ANSA ,ayey ku sheegtay inay qaadatay diinta Islaamka ,muddadii la haystey dhexdeeda.

Waxay sii raacisay “ in aan Muslimi oo Diinta Islaamaka qaato waxay ahayd arrin Rabbaniyana  ma ahayn wax laygu qasbay sida laga fillan Karo kooxdas .Intii bilahaa aan afduubnaa ku dhex jiray waxay i siiyeen kitaabka Quraanka ah sidoo kale way mahadsanyihiin kuwii i qabtay waayo waxay ibareen xoggaa Carabi ah. Iyadoo weli waraysiga ku sii dhex jirta waxay tiri “ waxay ii sharaxeen ujeedkooda iyo dhaqankoodaba Qaadashada diintu waxay ahayd mid bilo socotay mana ahayn wax degdeg ku dhacay .Ma aysan jirrin wax xiriir ah ama guur ah oo na dhex maray ama ay ii geysteen intaan gacantooda ku jirey.

Haddaba faallooyinka iyo falcelinta qalinleyda baraha bulshada gooni ahaan Facebook ayaa sidii ay  caadadu ahayd oo loo  wadaagi jirey arimaha xasaasiga ah ee ka jirra wadanka iyo dunidda inteeda kale loogu lafo guray waxaana si xoog leh loo hadal hayey arinta gabadhan sida duniduna kaleba u hadal haysey.

Arinka inta badan aadka laga faalloonayo ayaa ah inay diinta Islaamka qaadatay taas oo kuwana boggaadinayeen halka kuwa kalena durayaan oo lee yihiin inantan xoriyadeeda baa lagu tuntay ,waa la guursaday iyo waa la faro xumeeyey sidaas, waxaa fallooyin kulkulul laysku marshay mareeg bulshaadka sida  FB.

Aragtidayda 

Baaritaanka aan ku sameeyey soo furashada gabadhan waxaa ii cadaadAy in gabadhan aysan qabin wax cabasho ah oo ay ku sheegtay tacadi loo geestay xilligii la haystay oo ka baxsan afduubka. Taas oo runtii warkii afduubka oo sidiisa u xumaa haddii ay raacin lahayd faro xumayn IWM lagu sameeyey waxay sii foolxumeyn lahaa sumcada Soomaalida kolka la eego sida Duniduna indhaha ugu hayso warka gabadhaas. Sidoo kale ,sheegida ay sheegtay in diinta  Islaamka aan lagu qasbin oo ay tahay  doorashadeeda waxay iila muuqataa arrin boggaadin mudan waayo Rabbi ayaa u qoray hanuunka waxaana Alle ,hanuunshaa ciduu la rabbo sidaas darteed inaga ka dhallinyarro ahaan inoo kama furna door aan kaga doodno arrin aan meesha oolayn oo inaku keeni karta danbi iyo khilaafaad dhexdeena ah arrinta kale oo cajiibka ah ayaa noqonaysaa doodaha ila meereysada ah oo dhallinta Soomaalida dhex taal waxaad arkeysaa qof shalay ku doodayey in qof kasta xorriyadiisa iyo doorashadiisa loo daayo haddana Islaam qaadashada gabadhan ku haysta, ayaa hadda qori dhuunta kaga haya, sow xor uma aha waxay rabto.

Marka intaas laga soo tago waxaan aad isu waydiiyey maxay u dhici wayday in laga doodo soo deynteeda madaama ay xirnay muddo 18 bilood ah oo loogu raadin waayey xorriyad oo ahayd waxay xaq u leedahay baahida weyna u qabtey

Gabagadadii gabadhani way heshay xoriyadeedi ,sidoo kalena diinta Islaamku waa doorashadeeda bal ayadaaba u mahadcelisay cidii haysatay oo sheegtay inay bareen Af-Carabiga iyo dhaqankooda sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in mowduucan uusan inala fogaan oo halkaas ku soo afjarno ka hadalkiisa dhanka diinteeda ah. 

Mahadsanidiin

Waxaa qortay Maqaalkaan oo Horseed Media lasoo wadaagtay:-

Nawaal Ahmed.

Email: nawalaxmed@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *