Garowe: Xasan Sheekh iyo Deni oo yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin.

Published: August 26, 2022
Shares668
Siciid Deni Xasan Sheekh
Kulanka Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa ahaa mid ku kooban labadooda

Habeenkii xalay ee Khamiista waxaa kulan saacado badan qaatey wada yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, shirkan ayaa ahaa mid albaabadu u xiran yihiin oo dibad joog laga dhigay wufuudii kale.

Warar ku dhaw labada dhinac ayaa sheegaya in shirku ahaa iba-furka (icebreaking) shirka labada dhinac ay wada yeelanayaan saacadaha soo socda, isla markaana labada oday ay ka garnaqsanayeen wixii dhacay kadib doorashadii Madaxweynaha iyo dhismihii xukuumadda federaalka.

Waxaa lagu wadaa in maanta gelinka danbe kulanku sii socdo iyada oo ay ka soo qayb-galayaan la taliyaasha labada dhinac.

Puntland waxay leedahay ajande u diyaarsan oo ay kala hadleyso Xasan Sheekh, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonaayo in Puntland door ka qaadato xalinta tallaabada uu qaadey Axmed Madoobaha Jubaland ee muddo kororsiga samaystey, taas oo u muuqatey weerar hordhac ah oo Axmed Madoobe difaac ku samaysanaayo. (a preemptive strike).

Soo dhaweyntii qaboobeyd

Soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh ee shalay magaalada Garoowe ayaa ahayd mid qabow oo dhaxan laga dareemaayey, marka laga yimaado in Xasan Sheekh aanu horey u soo kaxaysan wasiiradiisi muhimka u ahaa kulanka labada dhinac ayaan haddana fursad loo siin uu saxaafadda kula hadlo isla markaana shacabka la wadaago dareenkiisa.

Waxaa la aaminsan yahay in kala fogaanshaha Xasan Sheekh iyo Deni uu soo bilowdey bishii Juun 2022, kadib markii Siciid Cabdullaahi Deni uu dooney xilka Raysalwasaaraha, taas oo ilaa hadda aanu qiran, laakiin ahaa wax ka muuqdey dhaq-dhaqaaqiisa kadib caleema saarkii Madaxweynaha, waxaa mad-madowgu sii xoogeystey kadib dhismihii xukuumadda.

Puntland ayaa ka soo jawaabi diidey booqasho Xamse Cabdi Barre raysalwasaaraha xukuumadda federaaku uu dalbadey in uu Garoowe ku yimaado.

Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortey sanadkii 2019, ayaa ku bilowdey muddo xileedkiisi wada shaqeyn aad u hooseysa in uu la lahaa dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib shirkii fashilmey ee bishii May 2019.

Hadda oo Madaxweyne Deni muddo xileedkiisi yahay dhamaad, waxaa la is weydiinayaa halka uu giraanta la aadi doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *