Xoghayaha Saxaafadda u Qaabilsan Aqalka Cad Oo Laga Helay COVID19

Published: October 5, 2020

Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan aqalka cad ee Maraykanka Kayleigh McEnany ayaa baaritaan kadib laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus sida ay iyadu sheegtay.

Haweenaydan oo war qoraal kusoo daabacday boggeeda Twitter-ka ayaa shaacisay in laga helay COVID19, hase ahaatee aanu hadda ka muuqan calaamado caafimaad darro oo weyn.

Telefishinka Fox News ayey maanta qorshaynaysay inay u waranto, balse waa la hakiyey kadib markii laga helay xanuunka, iyada noqonaysa sargaalkii sagaalaad ee aqalka cad ee uu haleelo Coronavirus.

Saraakiishan oo dhamaatood aad uga agdhow madaxweyne Trump oo Sabtidii cisbitaal looga dhigay xanuunka ayaa waxaa kamid ah la-taliyihii hore ee Aqalka Cad Kellyanne Conway, maareeyaha ololaha Trump Bill Stepien, Gudoomiyaha Gudiga Qaranka ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, Gudoomiyihii hore ee New Jersey Chris Christie.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *