Midowga Musharaxiinta Oo Soo Dhoweeyey Warbixintii IGAD

Published: January 28, 2021

Midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya 2021 ayaa soo dhoweeyey warbixintii guddiga IGAD ee xaqiiqo raadinta dacwadii dowlada federaalka Soomaaliya ka gudbisay dowlada Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay midowga musharaxiinta ayaa soo dhoweeyey warbixintii guddiga IGAD taasoo gaashaanka loogu daruuray eedayntii ay Soomaaliya ka sheegatay Kenya.

Midowga musharaxiinta ayaa soo dhoweeyey magacaabistii guddiyada doorashooyinka ee dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, sidoo kale goluhu wuxuu soo dhoweeyey shirka degdeg ah ee ay ku baaqeen labadan dowlad goboleed.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *