Ruushka oo xaqiijiyey dhimashada Yevgeny Prigozhin.

Published: August 27, 2023

Aasaasihii kooxdan calooshood u shaqeystayaalka ee Wagner ayaa mas’uuliyiinta dalka Ruushka ay xaqiijiyeen inuu dhintay kadib maalmo la isla dhexmarayay dhimashadiisa. Baarayaasha ayaa sheegay in baaritaanka DNA lagu xaqiijiyay aqoonsiga toban qof oo ku dhintay shil diyaaradeed Arbacadii oo uu ugu horeeyo Yevgeny Prigozhin.

Diyaaradda oo siday toban qof ayaa ku burburtay gobolka Tver ee waqooyiga Moscow 23-kii Agoosto.

Prigozhin wuxuu ahaa hogaamiyaha kooxda gaarka ah ee Wagner, kuwaas oo sameeyay gadood ka dhan ah Kremlin dabayaaqadii bishii June.

Sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa Dmitry Utkin, oo wax ka aasaasay kooxda Wagner .

Guddiga baarista ee Ruushka ayaa sheegay in natiijada baaritaanka hidda-sidaha ay xaqiijiyeen aqoonsiga dhammaan tobankii qof ee ku dhintay shilkan.

Prigozhin iyo Utkin ayaa labaduba ku jiray liiska rakaabka ee ay bixisay maamulka duulista rayidka ee Ruushka.

Maamulka duulista hawada ee Ruushka ayaa sheegay in diyaaradda ay ka soo duushay Moscow kuna socotay St. Petersburg ka hor inta aysan dhicin.

Guddiga baarista ayaa Axaddii aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin waxa sababay shilkan.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid naxdin leh, wuxuuna sheegay in wararka la isla dhexmarayo ee ah in Moscow ay soo abaabushay ay tahay “been weyn”.

Horraantii toddobaadkan, wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay in dhacdadani ay qayb ka tahay “qaabka” dhimashada “aan la caddayn” ee Ruushka . Tiro ka mid ah mucaaradka Kremlin-ka ayaa ku dhintay xaalado shaki leh tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Vladimir Putin.

Putin ayaa gadoodkii ciidanka uu sameeyey Yevgeny Prigozhin ku tilmaamay “mid dhabarka laga dhuftay” khudbad laga sii daayay telefishinka ka dib markii uu bilaabay, laakiin Prigozhin ayaa loo ogolaaday inuu u dhoofo Belarus ka dib markii uu joojiyay kacdoonkii heshiis ay dhexdhexaadinaysay Belarus.

Khamiistii, Putin wuxuu ugu yeeray Prigozhin “ganacsade karti leh,” laakiin wuxuu sidoo kale sheegay “inuu sameeyay khaladaad halis ah”

Kooxda Wagner waxay si weyn ugu lug lahayd dagaalka Ruushka ee Ukraine , waxayna sidoo kale joogitaan la taaban karo ku lahayd galbeedka, Waqooyiga iyo bartamaha Afrika.

Horseed Media