Shir Muqdisho uga furmaaya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka

Published: October 25, 2022

Waxaa lagu wadaa todobaadkan in uu magaalada Muqdisho ka furmo shir u dhexeeya dowlad goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka.

Horseed Media oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Puntland ayaa heshey in Madaxweynaha Puntland uu maalmaha Arbacada ama Khamiista ka degaayo Muqdisho, si uu qayb uga noqdo shirkaas, kadib markii uu ka baaqdey in u goobjoog noqdo shirkii bishii september oo uu uga qaybgalay Online.

Shirka ayaa ku saabsan, arrimo la xiriira qaybsiga kheyraadka gaar ahaan shidaalka oo dhawaan dowladda federaalku ay gashey heshiis shidaal, sidoo kale waxay wararku sheegayaan in looga hadlii doono amniga iyo la dagaalanka al-Shabaab.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad u jeediyey Golaha wakiilada Puntland ayaa ka noqdey moqifkii horey ay ugu qaadaceen heshiisyada shidaalka, waxaana uu sheegay in ay hadda diyaar u yihiin arrimaha shidaalka, kadib heshiiskii dowladda federaalku ay ku qaadatey 7 milyan oo Bonus ah.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe dalka loogu soo rogaayo Martial Law, (Xaalad deg-deg ah) waxaana ay ku doodayaan in aan dagaalka al-Shabaab dhamaystir noqon karin haddii aan xaaladda dalka wax laga beddelin, Martial Law macnaheeda ayaa ah in si kumeel-gaar ah loo laabo dhamaan shuruucda iyo xuquuqda hadda jirta, waxaana ay yeelan doontaa saameyn weyn.

Wefdi hordhac u ah Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in maanta ay ka duulaan magaalada Garoowe.

Horseed media