Obama oo amaaney dagaalka Ethiopia kula jirto Al Shabaab

Somalia: Al Shabaab offer nothing but death and destruction – Obama

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa amaan balaaran ujeediyey kaalinta Dowladda Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya. Shir Jaraa’id uu qabtey maanta oo isniin ayuu sheegay in Ciidamada Itoobiya guulo waaweyn kasoo hoyeen dagaalka kula jiraan argagixiisada gaar ahaan ururka al-Shabaab isla markaana dhowaan kala wareegeen labo magaalo oo saldhig u […]

Xaliima Yarey oo lo doortay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya

xaliimo yarey

Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddiga madax banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya  oo dhawaan la soo magacaabay ayaa maanta doortay Gudoomiye iyo Ku xigeen. Guddiga waxay gudoomiye u doorteen Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo horay u soo noqotay gudoomiyahii guddiga dhismaha maamulkii lagu dhisay magaalada Cadaado ee Galmudug. Xaliimo oo goobta ka hadashay […]

Xasan Shiikh oo wax ka bedelka Dastuurka Galmudug ku sheegay mid soo dhaweynaya isfahamka

unnamed (47)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland. Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in xadka Galmdug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland. […]

Madaxweyne Xasan Shiekh oo dib ugu laabtay Muqdisho

164

Wafdigii madaxweyne Xasan Shiekh uu hogaaminayey ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta iskaga soo laabtay iyagoo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, waxaa garoonka Kismaayo ku sii sagootiyey madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo ka tirsan labada Golle. Madaxweynaha oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo wakhti badan qaatay la yeeshay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweyne […]

Muqdisho: Qarax weyn oo lala beegsaday Hotel Jazeera

Dozens killed in Somalia hotel terror attack

Qarax xoogan oo dhawaqiisa laga wada maqlay dhammaan magaalada Muqdisho kana duwan kuwii hore uga dhici jiray ayaa ka dhacay Hotel jaziira oo ku dhow Garoonka Aadan Cadde Airport. Qaraxan ayaa ah kuwo ismiidaaminta oo Gaari weyn ku xirnaa khasaaraha oo aan si dhab ah  loo cadaynkarin ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ilaa 15 […]

Raysal Wasaare Cumar oo ka hadlay Weerarkii Hotel Jazeera

CUMAR-jazeera

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka argagaxiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid la rabay in lagu wiiqo horumarka iyo dib usoo kabashada dala iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa mid ka baxsan dhammaan dhaqanka diinta […]

Madaxweyne Xasan oo Cambaareeyey Qaraxii Hotel Jazeera

IMG_82DAAB-B17AAA-4D3CDB-AE76A9-714847-107266

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisonimo ee maanta kooxaha nabad-diidka ku qaadeen hotel Jasiira oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada argagixisada ay tahay inay hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah inay nabad iyo barwaaqo gaaraan, taasina aaney marnaba dhici karin. “Waxaan […]

Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho

kay-un

  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo sababay khasaare dhowr ah oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. “Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagaxiso ee Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Kuwii dilkan geystay kuma guuleysan doonaan […]

Madaxweyne Xasan Shiekh oo Gaaray Magaalada Kismaayo

madaxweyne

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhawey gaaray magaalada Kismaayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano iyo shacabka Jubbaland ayaa madaxweyne Xasan ku soo dhaweeyey garoonka Kismaayo ka dibna waxaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada Jubbaland. Ujeedka socdaalka Madaxweyne Xasan Shiekh […]