Xilliga Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo lagu dhawaaqey [Video]

Guddiga doorashada ee Somaliland

Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah ugu dhawaaqey xilliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Somaliland. Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Cabdulqaadir Cabdi Iimaan ayaa ku dhawaaqey in doorashada la qabanayo 1-da Juun 2016, taas oo ay ka harsan tahay muddo 13 bilood ah. Doorashada Somaliland ayaa lagu wadey in ay dhacdo sanadkan […]

Somaliland: Guddoomiyihii hay’adda xuquuqda Insaanka oo xabsiga la dhigay

guled

Subaxnimadii maanta oo Sabti ah ayaa xabsiga la geeyey Guuleed Axmed Jaamac oo ah madaxa ka ahaa hay’ad u dooda ilaalinta xuquuqda dadka oo loo yaqaano Xarunta Xuquul Insaanka. Qabashada guddoomiyaha hay’adda waxaa gooyey Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa, ma jirin dacwad lagu soo oogey ama waaran loo jarey sida ay sheegtey hayadda Human Rights Centre. Xariga […]

Puntland oo been abuur ku tilmaantey warkii ka soo baxay Somaliland ee ‘raali gelinta’

gaas_siilaanyo

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo saxaafadda kula hadley Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa sheegey in aysan jirin xiriir dhex marey Madaxweyne Cabdiweli & Siilaanyo, sida Madaxweynaha Somaliland sheegtay, ma jirto teleefon Madaxweynaha Puntland u direy waa war aan sal iyo baar lahayn ayuu yiri. Wasiirka ayaa sheegay in uu caddeynaayo in […]

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Madaxweynaha Puntland raali gelin uu soo direy

Siilaanyo-777

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta khudbad dheer oo qaadatey 19 daqiiqo u jeediyey labada gole ee Somaliland, waxaana khudbaddan ahayd tii sanadlaha ahayd ee uu kaga hadlayo siyaasadiisa kana horjediyo golaha wakiilada iyo aqalka guurtida Somaliland. Madaxweynaha Somaliland ayaa si gaar ah u soo qaatey Khudbadiisa xiriirka Somaliland iyo Puntland, waxaana uu sheegay […]

Wasiir: DFS & Somaliland dhex-dhexaadiyaal uma baahna

???????????????????????????????

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo waraysi siiyey warbaahinta dowlada ayaa ka hadlay arrimaha wada hadalka dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland oo bishan horaanteeda la isku khilaafay qabashada shir ka dhici lahaa Turkiga. Odawaa ayaa ka hadlay caqabadaha markasta soo gala wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu sheegay […]

Abwaan Hadraawi oo laga Badbaadiyey daad ku soo rogmadey togga Dacar-Budhuq

hadraawi

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo saddex qof oo kale ayaa ka bad baaday daad ku soo rogmay Dooxa Dacar Budhuq oo u dhaxeeya magaalada Hargeysa iyo Berbera xili gaari ay wateen uu qaaday daadku. Abwaanka iyo saddex qof ee kale ayaa la socday gaari waxayna isku dayeen in ay dhexmaraan togga oo biyo xoogan […]

Dowladda Federaalka oo u jawaabtey Somaliland [Dhegayso]

???????????????????????????????

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Yoonis Biixi oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa ayaa sheegey in ay doonayaan in wada hadalkii Dowladda Federaalka dib u bilaamaan laakiin caalamku soo dhexgalo, ma hor fariisan doono Soomaaliya haddii aan nala ku dhex jirin oo Dowladaha derisku soo gelin ayuu yiri. Wasiiru Dowlaaha Arrimaha Dibadda ee […]

Somaliland oo dedaal ugu jirta in wada hadalkii DFS dib loo furo [DHEGAYSO]

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis / Sawirka BBC

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa caalamka ka dalbadey in si deg-deg ah dib loogu bilaabo wada-hadalkii Dowladda federaalka iyo Somaliland, wada-hadalka ayaa hakad ku yimid bishii Feberaayo 2015. Biixi oo maanta shir jaraa’id ku qabtey Hargeysa ayaa ku dooday bur-burka wada hadalkii iyaga iyo Dowladda Federaalka ah in Ergada Dowladda Soomaaliya […]

Doorashooyinka Somaliland oo dib loo dhigey muddo 9 bilood ah

somaliland_el

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqey in xilliga doorashada ee dhici lahayd 26 juun 2015 dib loo dhigey muddo 9 bilood ah. Guddiga ayaa sheegay in diiwaan gelinta codbixiyaashu ay bilaabanyso dhamaadka bisha Luuliyo 2015. Guddiga Doorashooyinka oo ay weheliyaan wakiilada saddexda Xisbi Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa sheegey in muddada […]