Southern Somalia News

Taliyaha Ciidamada Uganda oo safar deg deg ah kusoo gaarey Muqdisho

Katumba Wamala_Somalia

Taliyaha Ciidamada Uganda ee loo yaqaano UPDF Jeneraal Katumba Wamala ayaa shalay soo gaarey magaalada Muqdisho maalin kadib weerar culus ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaadeen Ciidamada Uganda ee kamid ah AMISOM. Safarka Jeneraal Wamala oo ah mid deg deg ah ayay wararku sheegaayan in uu kulamo la qaadan doono saraakiisha Ciidamada Uganda iyo kuwa kale […]

Ugu yaraan 50-kamid Ciidamada Uganda oo ku dhintey weerarkii Janaale

AMISOM_UG

Ugu yaraan 50-askari oo kamid ah Ciidamada AMISOM ayaa ku dhintey weerarkii shalay ururka al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihin degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose. Warkan ayaa laga soo xigtey diblomaasiyiinta reer galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho oo wada shaqeyn ay ka dhaxeyso Taliska Midowga Afrika ee AMISOM. Wakaaladda wararka ee AFP oo […]

AMISOM oo ka hadashey weerarkii al-Shabaab ku qaadeen Saldhigoodii Janaale

457

Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka hadley weerarkii shalay maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihin degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose. Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta saldhiga kadib markii mudo saacado ah ay haysteen al-Shabaab. AMISOM ayaa ka […]

Qaramada Midoobay oo ka deyrisay Xaaladda Bin’aadanimo ee Soomaaliya

26507D9800000578-2979581-image-a-166_1425489961981

Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay lasoo deristay xaalad bin’aadanimo isla markaana u baahan yihin gargaar deg deg ah. Warbixin maanta Hay’adda UNOCHA ee qaabilsan arrimaha Bin’aadanimada kusoo bandhigtey magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dad ka badan 3-milyan oo qof ay u baahan yihin gargaar. Kuxigeenka Wakiilka Xogheyaha […]

Ahlu-sunnah oo sheegtey in heshiiskii Cadaado ahaa Riwaayad

Maxamed Shaakir Ahlusunna

Maamulka Ahlu-sunnah ee xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in hehsiiskii la sheegay in ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlu-sunnah uu ahaa mid riwaayad ah oo adduunka lagu marin habaabinaayo. Shiikh Maxamed Shaakir oo Dhuuamareeb loogu caleema saarey Madaxweynaha Gobolada Dhexe ayaa sheegay in kuwa heshiiska wada saxiixdey markii horeba wada […]

Kismaayo: Qarax ismiidaamin oo lala beegsaday ciidamo Tababar u socday

Kismaayo-2

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in Weerar is miidamin ah lagu qaaday xarunta Jaamacada Kismaayo oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo tababar uga socday, Khasaaraha Dhimashada ayaa wararku sheegayaan in ay gaarayaan 20 askari dhaawacuna uu ka badan yahay. Qaraxa waxaa fuliyey naftii hure walxaha qaraxa ka soo […]

AMISOM oo qiratay in dad rayid ah ku dileen magaalada Marka

AMISOM admits civilian deaths in Somalia

Hogaanka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ugu dambeyn si cad ah u qirteen in ay dad rayid ah ku dileen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose. Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Mamadou Sidikou oo maanta shir jaraa’id ku qabtey magaalada Nairobi ayaa ku sheegay in ay 31-dii bishii July […]

Cadaado: Iska horimaad dhexmaray Ahlu Sunna iyo Galmudug

Prof.Cabdullahi Daacad

Waxaa xalay magaalada Cadaado ka dhacay iska horimaad dhexmaray kooxo hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamada maamulka magaaladaasi ka arrimiya ee Galmudug. Iska horimaadka ayaa salka ku hayey xarig loo geystay mid kamid ah Madaxweyne kuxigeenada Maamulka Gobalada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaa oo ay magaalada Cadaado ku […]

Wasiirka Gaashandhigga oo booqdey magaalada Baardheere – Sawiro

1 (14)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo maanta booqasho shaqo ku tegay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo dhowaan ay gacanta qalafsan ee kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab ka xoreeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada ciidanka hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM, waxana gegida diyaaradaha ee magaalada ku […]